Tuesday 16 October, 2018

DEG DEG-Garsoore Caan ah oo Geeriyoodey Isagoo Ciyaar Dhex Dhexaadinaya iyo Kulamo Baaqanaya Asbuucaan.

Victor Marah oo ah garsoore kubbadeed oo reer Sierra Leonean ah ayaa geeriyooday ka dib markii uu sarajoogga ka dhacay isaga oo dhexdhexaadinaya ciyaar ka dhacaysay magaalada Freetown Talaadadii.

Arrintan ayaa dhacday daqiiqado ka hor dhamaadka ciyaar aad loogu soo daawasho tagay oo dhex maraysay Kroo Bay iyo Falcon 12 FC.

Waxaa la sameeyay isku dayo lagu doonayay in lagu badbaadiyo 27 jirkaas, isbitaalkii loola cararay ayaase ku dhawaaqay in ay naftu ka baxday.

Marah ayaa toddobaadyo ka hor magaalada Qaahira ku soo qaatay tababar dhanka garsoorka kubadda ah oo ay bixisay hay’adda maamusha Kubbadda Cagta Afrika ee magaceeda loo soo gaabiyo Caf.

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Leave a Reply

Submit Comment

%d bloggers like this: