Tuesday 16 October, 2018

VIDEO-Haweenka Jirkooda Ka Ganacsada oo Guryo Ka Furtay Muqdisho iyo Haween Qayliyey Aaway Dowladdii.

Gudoomiyaha Ururka Haweenka gobolka Banaadir Jawaahir Axmed Baarqab ayaa sheegtay in ay jiraan goobo ku yaalla Magaalada Muqdisho,kuwaasoo la geeyo haweenka Jirkooda ka ganacsada,taasina ay tahay wax aan la aqbalikarin.

Gudoomiye Jawaahir waxa ay sheegtay in ay jiraan gabadho la Afduubtay oo ilaa iyo hadda aan la sheegi karin meel la geeyay,taasina ay muujinayso in ay jiraan kooxo gaar ah oo dumarka dhibaato badan ku haya.

Xilliyadda habeenkii ah ayay sheegtay in Muqdisho lagu qabto Bandhigyo ay kala duwan oo lagu fasahaadinaayo Hablaha kunool gobolka Banaadir.

RIIX HALKAAN SI AAD U DAAWATO MUUQAALKA

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale xustay in Ciidamada Booliska laga rabo in ay baadigoob ku sameeyaan Hablaha ka yimid UK oo Gudaha Magaalada Muqdisho lagu La’yahay.

RIIX HALKAAN SI AAD U DAAWATO MUUQAALKA

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Leave a Reply

Submit Comment

%d bloggers like this: