Tuesday 16 October, 2018

DAAWO-Ciidamadii ku Sugnaa Furimaha oo Caawa Heegan Kujira iyo Saraakiil Xaqiijiyey in Berri Lakala Baxayo.

PUNTLANDNEWS.NET-Wararkii ugu dambeeyey ee aanu xilligaan ka helayno fariisimada ciidamada iyo furimaha dagaalka ayaa sheegaya in halkaasi ay caawa ka aloosan tahay xiisad dagaal isla markaana ciidamadu heegan kujiraan.

Ciidamada ayaa u diyaarsan dagaal culus oo ay geli doonaan saacadaha fooda nagu soo haya sida ay warbaahinta fiidnimadii caawa u xaqiijiyey saraakiil sar sare oo ciidamada difaaca katirsan.

HALKAAN RIIX SI AAD U DAAWATO MUUQAALKA

Gelinkii dambe ee maanta ayaa waxaa furimaha qaar ka dhacay dagaalo goos goos ah oo sababay khasaare nafeed oo soo kala gaarey labada dhinac, waxaana xogta qaar sheegaysaa in fariisimada qaar ciidamadu banneeyeen.

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

One Response to "DAAWO-Ciidamadii ku Sugnaa Furimaha oo Caawa Heegan Kujira iyo Saraakiil Xaqiijiyey in Berri Lakala Baxayo."

  1. Haliye says:

    Qofka warkaan akhriya wuxuu is weydiinayaa ciidamadan maamulkay ka tirsan yihiin iyo meeshay joogaan laakiin qofka la socda xaalka media-ha iyo social media waa fahmayaa waxa loola jeedo waana in markii la furo warka ayaa qofka iska leh webpage-kan wuxuu ka helayaa lacag xayaysiinta.

Leave a Reply

Submit Comment

%d bloggers like this: