Tuesday 16 October, 2018

DEG DEG-Ciidankii Ugu Badnaa ee Ka Soo Baxay Furimaha Dagaalka oo Gaarey Duleedka Caasimadda iyo Fariisimo La Qabtay.

Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay ayaa sheegaya in maleeshiyaad katirsan kooxda Al- Shabaab, ayaa sheegaya in saaka aroortii hore maleeshiyaad ka tirsan Xarakada Al-Shabaab ay qabsadeen tuulada Goofguduud Buureey oo qiyaastii 30 km magaalada Baydhabo uga beegan dhinaca waddada aada degmada Waajid sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Ciidanka weerarka qaaday ayaa tuulada dagaal la’aan ku galay ka dib markii ciidanka dawladdu ay isaga baxeen halkaasi. Illaa hadda dhinacyada Al-Shabaab iyo maamulka Konfur Galbeed kama aysan hadlin weerarkan u dambeeyay.

Al-Shabaab ayaa horey u qabsatay tuulada Goofguduud Shabeelow oo qiyaastii 30 km magaalada Baydhabo uga beegan dhinaca wadada aada degmada Diinsoor.

Dhinaca kale dagaalo ayaa saaka laga soo weriyay inay ka socdaan deegaano u dhaxeeya tuulooyinka Nuur Fanax iyo Garasyaani ee gobolka Hiiraan.

Dagaalada ayaa dhexmaraya ciidammada dawladda oo ay taageerayaan kuwa midowga afrika iyo ciidamada Al-Shabaab.

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Leave a Reply

Submit Comment

%d bloggers like this: