Tuesday 16 October, 2018

DEG DEG-Gaari Qaad Sidey oo Galabta Lagu Weeraray Agagaarka Furimaha Dagaalka iyo Faahfaahintiisa.

Wararkii ugu dambeeyey ee ku soo dhacaya warqabadka shabakadda wararka ee Puntlandnews.net ayaa waxa ay sheegayaan inn gaari qaad siday lagu weeraray deegaanka Ilbiq oo u dhow Tuulada gololeey ee degmada Balcad.

Gaarigaan oo ka tegay Magalada Muqdisho ayaa qaadka u waday Magalada jowhar,waxana la sheegay in rag hubeysan ay wadada u galeen,isla markaana ay rasaaseeyeen.

Weli lama oga khasaaraha ka dhashay rasaasta lagu furay gaarigaas,waxana wararka qaar ay sheegayaan in dadkii saarnaa oo Ganacsatada qaadka ahaa ay dhaawacmeen.

Mas’uliyiinta Maamulka degmada Balcad iyo kan Gobolka Shabeellaha Dhexe kama hadlin weerarkaan ka dhacay duleedka degmada Balcad.

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Leave a Reply

Submit Comment

%d bloggers like this: