Tuesday 16 October, 2018

DAAWO-Cudurkii Ugu Horeeyey ee Halis ah oo La Ogaadey in Jiirku U Gudbiyo Bini’aadamka iyo Soomaalida oo Halis Ugu Jidha.

Wadanka Shiinaha oo kamid ah dalalka Horumaray ee caalamka ayaa lagu diiwaangeliyey xanuunkii ugu horeeyey ee la ogaadey in xayawaanka Jiirka loo yaqaan uu u gudbiyo aadahana, kaasi oo markii hore kudhici jirey noolaha jiirka oo kaliya.

Shaybaar Xeel-dheer oo lagu sameeyey nin ka cabanaya xanuunka beerka ayaa waxaa lagu ogaadey inuu qabo jooniska noociisa loo yaqaan Hepatitis E oo ah xanuun u gaar ahaan jirey xayawaanka jiirka una gudbiyey ninkaasi xanuunsanaya hadda.

RIIX HALKAAN SI AAD U DAAWATO CILMI BAARISTA

Intaasi kadib cilmi baadhis ay samaysay Jaamacadda Hong Kong ee dalka Shiinaha ayaa lagu ogaadey xanuunka beerka ama Jooniska qaybtiisa E inuu jiirku u gudbin karo aadanaha loona baahan yahay in si aad ah looga digtoonaado.

RIIX HALKAAN SI AAD U DAAWATO CILMI BAARISTA

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Leave a Reply

Submit Comment

%d bloggers like this: