Tuesday 16 October, 2018

VIDEO-Faysal Cali Waraabe iyo Beeshiisa Ciidagale oo Ka Nixiyey Muuse Biixi,”Waa Baxaynaa Haddii Uusan..”.

Muddooyinkii ugu dambeeyey waxaa soo kordhayey khilaafka u dhexeeya xisbiga mucaaradka ah ee Wadani Somaliland oo aaminsan weli in xisbiga Kulmiye ku shubtay doorashada si uu ugu guulaysto madaxweyne Muuse Biixi.

Beesha Habar Yoonis oo uu ka soo jeedo gudoomiye Cirro ayey aad isugu dheceen jeegaanta, waxaana taasi sababtay aasaaska jabhadda Caarre oo ku dhawaaqday dagaal ka dhan ah xukuumadda Muuse Biixi.

Haddaba waxaa soo baxay war ka nixiyey Muuse Biixi markii gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID oo horay u taabacsanaa Muuse Biixi uu ku dhawaaqay war uusan ku farxin Kulmiye.

HALKAAN RIIX SI AAD U DAAWATO MUUQAALKA

Gudoomiyaha xisbigaasi Eng Faysal Cali Waraabe oo ka soo jeeda Beesha Ciida-gale ayaa ku dhawaaqay in beeshiisu ay wadatashi ka dhan ah maamulka Somaliland yeelan doonto haddii doorashooyinku ay dhici waayaan.

HALKAAN RIIX SI AAD U DAAWATO MUUQAALKA

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Leave a Reply

Submit Comment

%d bloggers like this: