Tuesday 16 October, 2018

BREAKING NEWS-Alshabaab oo Weerarkii Ugu Cuslaa Qaaday iyo Dhimashada oo 96 Maraysa & Dhaawaca 70 Kale.

Bernadino Rafael Taliyaha booliska dalka Mozambique ayaa waxa uu sheegay in 90 qof la dilay ku dhawaad 70 kalana ay dhaawacyo soo gaareen tan iyo markii urur Islaami ah uu sanadkii la soo dhaafay dalkaasi ka bilaabay inuu weerraro ka gaysto.

Kooxda Jihaadiyiinta dalka Mozambique ayaa argagax ku baahiyay waqooyiga dalka, oo waxa ay galeen tuulooyinka iyagoo sita mindiyo kuwaasi oo ay u adeegsanayeen qoor goynta dadka tuulooyinka.

Kooxda ayaa gubay in kabadan kun guri sidoo kalana waxa ay weerareen xarumo boolis.

Waxaa loo yaqaanaa Al-Shabaab, balse ma cadda in ay xiriir la leeyihiin Al-Shabaab ka dagaalanta bariga Afrika oo ay isku magaca yihiin. Waxaana la aaminsayahay in ay malaayiin doolar ay ka heelan iibinta alwaaxa iyo macadanta.

Sanaddadii dambe ururo Islaamiyiin ah oo Al Qaeda xiriir la leh ayaa ka bilowday dalka Soomaaliya kuwaas oo markii dambe ku faafaay Kenya ilaa Tanzaaniya, waxaana macquul ah in ay soo gaareen dalka Mozambique.

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Leave a Reply

Submit Comment

%d bloggers like this: