Tuesday 16 October, 2018

DEG DEG-Ciidamo La Wareegey Xaruntii Xisbiga Kulmiye ee Hargaysa iyo Jaamac Shabeel oo Loo Diidey+Weriyayaal la Xiray.

War deg deg ah oo hadda naga soo gaarey xarunta xisbiga Kulmiye ee magaalada Hargaysa ayaa sheegaya in xaruntu ay aad u qasan tahay ayna ammaankeeda la wareegeen ciidamo gaar ah oo katirsan booliska maamulka Somaliland.

Xarunta waxaa loo diidey inuu gudaha u galo siyaasiga caanka ah ee Jaamac Shabeel oo dhowaan la sheegay in laga saaray xisbiga Kulmiye laga lana laabtay xubinimadii gudiga joogtada ah ee xisbigaasi kadib khilaaf dhexmaray isaga iyo Muuse Biixi.

Ciidamada ammaanka ayaa xiray weriye Mukhtaar Mursal Xiin oo katirsan Telefeshinka Horn Cable oo dhowaan waraysi xasaasi ah ka duubay Jaamac Shabeel, waxaana xilligaan laga cabsi qabaa in xaaladdu ay sii xumaato saacadaha soo socda.

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Leave a Reply

Submit Comment

%d bloggers like this: