Tuesday 16 October, 2018

VIDEO-Ciidamada Somaliland oo La Wareegey Xarumo Muhiim ah iyo Mujaahidiin Ku Dhawaaqay In Lagu Kala Guurayo Somaliland.

Tobanaan katirsan ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Somaliland ayaa saaka ku waaberiistey xarunta xisbiga talada haya ee Kulmiye Somaliland, waxaana laga joojiyey inuu gudaha u galo gudoomiye Jaamac Shabeel oo Muuse Biixi ay isku dheceen.

Xarunta waxaa loo diidey inuu gudaha u galo siyaasiga caanka ah ee Jaamac Shabeel oo dhowaan la sheegay in laga saaray xisbiga Kulmiye laga lana laabtay xubinimadii gudiga joogtada ah ee xisbigaasi kadib khilaaf dhexmaray isaga iyo Muuse Biixi.

Ciidamada ammaanka ayaa xiray weriye Mukhtaar Mursal Xiin oo katirsan Telefeshinka Horn Cable oo dhowaan waraysi xasaasi ah ka duubay Jaamac Shabeel, waxaana xilligaan laga cabsi qabaa in xaaladdu ay sii xumaato saacadaha soo socda.

RIIX HALKAAN SI AAD U DAAWATO MUUQAALKA

Jaamac Shabeel oo goor dhoweyd Warbaahinta kula hadlay magaalada Hargaysa ayaa sheegay in xaaladduu haddii ay sidaan ku sii socoto Somaliland lagu kala guuri doono laguna kala noqon doono dastuurkii iyo sharcigii lagu heshiiyey.

RIIX HALKAAN SI AAD U DAAWATO MUUQAALKA

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Leave a Reply

Submit Comment

%d bloggers like this: