Tuesday 16 October, 2018

DEG DEG-Somaliland oo Ku Dhawaaqday Inay La Midoobayso Somalia Haddii Hal Shuruuday Buuxiso.

Maamulka Somaliland ayaa sheegay in ay suuragal tahay in ay dib u midoobaan labadii Gobo lee isu tagay lixdankii,kuwaas oo markii dambe qeybta waqooyi ay ku dhawaaqday in ay ka go’day Soomaaliya inteeda kale inkasta oo aanay aqoonsi helin.

Wakiilka Somaliland u qaabilsan wadahadalka dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya  Adna Aadan Ismaaciil ayaa sheegtay in ay suuragaltahay in ay dib u midoobaan labada dhinac haddii sida ay sheegtay laga arko dowladda Federaalka ah.

Marwo Adna Aadan ayaa sheegtay in Somaliland ay in ay ka tanasusho gooni isu taagga haddii Soomaaliya inteeda kale ay ka dhalato dowlad ay shacabka doortaan islamarkaana garawshiyo ka bixisa tabashada Somaliland.

Wadahadallada Dowladda Federaalka ah iyo Somaliland ayaa lagu wadaa in ay dhawaan ka billowdaan Magaalada Nairobi ee xarunta Dalka Kenya.

Dowladaha Holland iyo Denmark ayaa gadaal ka riixaya wadahadal deg deg ah oo ay yeeshaan labada dhinaca,waxaana danjirayaasha labada dal ee Kenya ayaa wadahadal kula yeeshay mas’uuliyiin ka kala socda labada dhinac.

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

One Response to "DEG DEG-Somaliland oo Ku Dhawaaqday Inay La Midoobayso Somalia Haddii Hal Shuruuday Buuxiso."

  1. Cirsan says:

    Runtu was tan:
    Maamulka Hargaysa waxaa kaliya oo uu noqon karaa, xubin ka tirsan
    United States of Somalia.
    FG.
    Wuxuu la fariisan karaa Xumnaha FG (United States Of Somalia), taasu was haddii at dani kahayso.

    Sheeko kale did maanta dani u hayso majirto.
    Somali states Santa dadkooda ayey garteen, Hadaad doonaysaan Soil, Sanaag iyo Cayne in sheeko tuugo LA galiyo , sins uma dhacayso.
    Ama sii orda ama soo orda, yaa dani haysaa, dagaal ayaad tuugo ugasheen.
    SL was cod LA xaday iyo maamul been ah.
    Somalia cunno kaagama bisla.
    All xamdu lilaahi tuugow hasoo noqon, dhiigiina LA carara

Leave a Reply

Submit Comment

%d bloggers like this: