Tuesday 16 October, 2018

AKHRISO-Somaliland oo Ka Hadashay Dagaalkii Xalay Ka Dhacay Tukaraq iyo Fariisimo Gudaha Loo Galay.

Puntlandnews.net (Tukaraq)-Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxay dagaal socdey muddo nus saac ah oo fiidnimadii hore ee xalay ciidamada Puntland iyo Somaliland ku dhexmaray furimaha dagaalka deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool.

Dagaalkaan oo intiisa badan laysu adeegsanayey madaafiicda goobta ayaa waxaa la sheegay inuu ka dhacay fariisin ciidamada Somaliland ay ku leeyihiin deegaanka Tukaraq oo ay duulaan qaawan ku qabsadeen 8dii January ee sanadkaan.

Gudoomiyaha gobolka Sool ee Maamulka Somaliland oo la hadlay warbaahinta maamulkaasi ayaa shaaca ka qaaday in dagaalkaasi uu ahaa weerar aysan iska jirin oo kaga yimid ciidamada dowladda Puntland ee ku sugan Tukaraq sida uu hadalka u dhigay.

Hor-joogahaan ayaa waxa uu shaaca ka qaaday inaysan ka gaashaaman weerarkaasi isla markaana dharbaaxo ay ku dhacday ciidankooda walow uu carra baabay in ciidamada maamulka Somaliland aan lagala wareegin fariisinkaasi lagu dagaalamay.

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Leave a Reply

Submit Comment

%d bloggers like this: