Tuesday 16 October, 2018

DAAWO-Somaliland oo Heegan Gelisey Ciidankeeda Ku Sugan Gobolka Sanaag iyo Gen Taani oo Caawa Furimaha Ku Hoydey.

Puntlandnews.net (BDH)-Wararkii ugu dambeeyey ee aanu caawa ka helayno gobolka Sanaag ayaa sheegaya in dhaqdhaqaaqyo culus oo ciidan galabta ilaa caawa laga dareemayo furimaha ay ku sugan yihiin ciidamada Somaliland iyo kuwa Puntland.

Somaliland ayaa la sheegay inay heegan gelisey ciidamadeeda ku sugan gobolka Sanaag gaar ahaan deegaamada hoosyimaada magaalada Ceerigaabo, oo ay dhowaan ku dagaalameen ciidamo uu hogaaminayo corneal Jamaal Baaxad iyo ciidanka Somaliland.

Sarreeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani ayaa maanta booqday fariisimada ciidamada maamulka Somaliland ee kuyaal duleedka magaalada Ceerigaabo, wuxuuna sheegay inay diyaar u yihiin sidii ay isaga difaaca lahaayeen cidkasta oo ku soo qaada dagaal.

HALKAAN RIIX SI AAD U DAAWATO MUUQAALKA

Taani ayaa waxa uu lakulmay saraakiisha hogaaminaysa ciidamadii galay dagaaladii ugu dambeeyey, wuxuuna siiyey dardaaran xoogan oo ku aadan inay dagaalka sii wadaan.

HALKAAN RIIX SI AAD U DAAWATO MUUQAALKA

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Leave a Reply

Submit Comment

%d bloggers like this: