Tuesday 16 October, 2018

DAAWO-Wararkii Ugu Dambeeyey ee Tukaraq Kadib Dagaalkii Xalay iyo Cabsi Soo Food Saartay Reer Sool.

Puntlandnews.net (TK)-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxay dagaal xoogan oo xalay fiidkii duleedka Tuulada Tukaraq ee gobolka Sool ku dhexmaray ciidamada Puntland iyo kuwa maamulka Soomaaliland oo ku wada sugan deegaanka.

Dagaalkaasi waxaa Puntland ay shaacisay inay ku dishey 3 kamid ah ciidamada Soomaaliland 14 kalena ku dhaawacmeen, sidoo kalena ay ku gubeen 3 gaari, walow Somaliland sheegtay in hal askari looga diley dagaalkaasi oo ay gaadmo ku sheegtay.

Haddaba wararkii ugu dambeeyey ee aanu caawa ka imaanaya furimaha hore ee dagaalka ayaa sheegaya in cabsi laga qabo dagaal kale oo ka qarxa deegaankaasi, iyadoona saacadihii ugu dambeeyey ciidanku aad isugu dhowaadeen.

HALKAAN RIIX SI AAD U DAAWATO MUUQAALKA

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Leave a Reply

Submit Comment

%d bloggers like this: