Tuesday 16 October, 2018

DEG DEG-Puntland oo Soo Bandhigtay Khasaare Isugu Jira Dhimasho Dhaawac iyo Gaadiid ay Ka Gubtey Somaliland.

Saraakii ciidanka kaydka Puntland ee ku sugan furimaha dagaalka iyo maamulka gobolka Sool ee Puntland ayaa guulo wax ku ool ah ka sheegtay dagaal kooban oo duleedka Tukaraq xalay ku dhexmaray ciidamada Puntland iyo kuwa Soomaaliland.

Taliyaha ciidanka Keydka Puntland ayaa sheegay in dagaalkaasi ay Somaliland kaga dileen sadex askari tiro 10 ka badana dhaawacyo kala duwan ka soo gaarsiiyeen, isagoo intaasi ku daray inay khasaare gaarsiiyeen gaadiid dagaal oo Somaliland leedahay.

Ciidanka Puntland ayaa sheegay in muddooyinkii ugu dambeeyey ay il gaar ah ku hayeen dhaqdhaqaaqyada ciidanka Somaliland ay ka wadeen deegaanka Tukaraq isla markaana ay ka hortageen weerar uu qorshaynayey maamulka Hargaysa.

Dhanka kalena, gudoomiyaha gobalka Sool ee Puntland ayaa isna sheegay in si lamid ah khasaaraha uu sheegay Taliyahas ciidan, waxaana uu cadeeyey in waxa dhacay uu dagaal ahaa.

Inkastoo aysan jirin warar ka madax banaan labada dhinac oo ka xog waramaya dagaalkaasi haddana wararka qaar ayaa sheegaya in Faysal Falaalug oo horay uga mid ahaan jirey Somaliland kuna biiray ciidanka Puntland uu ahaa maskaxdii ka dambaysay khidadda lagu jebiyey Somaliland.

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Leave a Reply

Submit Comment

%d bloggers like this: