Tuesday 16 October, 2018

VIDEO-Somaliland oo Ku Dhawaaqday Inay Qaadayso Dagaal Ka Dhan ah Puntland,”Hub Casri ah Ayey Nagu Duqeeyeen”.

Maamulka Somaliland ayaa ku hanajabay inuu qaadayo dagaal uu kaga aarsanayo ciidamada Puntland kadib markii jab xoogani ka soo gaarey ciidankiisa dagaal fiidnimadii xalay ka dhacay duleedka deegaanka Tukaraq oo labada ciidan isku horfadhiyaan.

Wasiirka wasaaradda warfaafinta Somaliland Maxamed Muuse Abees oo warbaahinta kula hadlay gudaha magaalada Hargaysa ayaa warbaahinta u soo bandhigay khasaaraha ka soo gaarey dagaalkii xalay ka dahcay deegaanka Tukaraq oo uu ku sheegay mid gaadmo ahaa.

HALKAAN RIIX SI AAD U DAAWATO MUUQAALKA

Wasiir Abees  ayaa ku hanjabay inay Puntland ka aarsan doonaan isla markaana ay qaadi doonaan dagaal culus oo ka dhan ah, waxaana taasi ay muujinaysaa khasaaraha baaxadda leh ee ka soo gaarey dagaalkii aysan ka gaashaaman ee ka dhacay Tukaraq.

HALKAAN RIIX SI AAD U DAAWATO MUUQAALKA

Dhinaca kalena, taliyaha ciidanka Keydka Puntland ayaa sheegay in dagaalkaasi ay Somaliland kaga dileen sadex askari tiro 10 ka badana dhaawacyo kala duwan ka soo gaarsiiyeen, isagoo intaasi ku daray inay khasaare gaarsiiyeen gaadiid dagaal oo Somaliland leedahay.

Ciidanka Puntland ayaa sheegay in muddooyinkii ugu dambeeyey ay il gaar ah ku hayeen dhaqdhaqaaqyada ciidanka Somaliland ay ka wadeen deegaanka Tukaraq isla markaana ay ka hortageen weerar uu qorshaynayey maamulka Hargaysa.

Dhanka kalena, gudoomiyaha gobalka Sool ee Puntland ayaa isna sheegay in si lamid ah khasaaraha uu sheegay Taliyahas ciidan, waxaana uu cadeeyey in waxa dhacay uu dagaal ahaa.

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Leave a Reply

Submit Comment

%d bloggers like this: