Tuesday 16 October, 2018

VIDEO-Somaliland oo Warbaahinta u Soo Bandhigtay Tirada Ciidankii Kaga Dhintay Dagaalkii Xalay ee Tukaraq+Gaadiid Dagaal.

Xukuumadda Somaliland ayaa faah faahin rasmi ah ka bixisay dagaal habeenimadii xalay ciidamada difaaca Puntland iyo kuwa Somaliland ku dhexmaray jiidaha dagaalka deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool oo ciidamadu isku horfadhiyaan.

Wasiirka wasaaradda warfaafinta Somaliland Maxamed Muuse Abees oo warbaahinta kula hadlay gudaha magaalada Hargaysa ayaa warbaahinta u soo bandhigay khasaaraha ka soo gaarey dagaalkii xalay ka dahcay deegaanka Tukaraq oo uu ku sheegay mid gaadmo ahaa.

HALKAAN RIIX SI AAD U DAAWATO MUUQAALKA

Dhinaca kalena, taliyaha ciidanka Keydka Puntland ayaa sheegay in dagaalkaasi ay Somaliland kaga dileen sadex askari tiro 10 ka badana dhaawacyo kala duwan ka soo gaarsiiyeen, isagoo intaasi ku daray inay khasaare gaarsiiyeen gaadiid dagaal oo Somaliland leedahay.

Ciidanka Puntland ayaa sheegay in muddooyinkii ugu dambeeyey ay il gaar ah ku hayeen dhaqdhaqaaqyada ciidanka Somaliland ay ka wadeen deegaanka Tukaraq isla markaana ay ka hortageen weerar uu qorshaynayey maamulka Hargaysa.

Dhanka kalena, gudoomiyaha gobalka Sool ee Puntland ayaa isna sheegay in si lamid ah khasaaraha uu sheegay Taliyahas ciidan, waxaana uu cadeeyey in waxa dhacay uu dagaal ahaa.

Inkastoo aysan jirin warar ka madax banaan labada dhinac oo ka xog waramaya dagaalkaasi haddana wararka qaar ayaa sheegaya in Faysal Falaalug oo horay uga mid ahaan jirey Somaliland kuna biiray ciidanka Puntland uu ahaa maskaxdii ka dambaysay khidadda lagu jebiyey Somaliland.

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Leave a Reply

Submit Comment

%d bloggers like this: