Tuesday 16 October, 2018

VIDEO-Xukuumadda Puntland oo Ku Dhawaaqday Inay Qabanayso Doorasho Ammaan ah Uusanna Cadaw Carqaladayn.

Xukuumadda Puntland ayaa si maldahan u sheegtay in doorashada madaxtinimada Puntland ay dhacayso waqtigeedii isla markaana aysan waxba kajirin musharixiinta shacabka ku beer laxawsanaya in dagaal lagu xagal daacinayo doorashada ay xukuumaddu qaadayso.

Wasiirka warfaafinta dowladda Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab ayaa shaaca ka qaaday in Puntland ay u diyaar garawday doorashada madaxtinimada isla markaana xukuumadda iyo shacabku ay ka shaqaynayaan sidii Garoowe ay uga dhici lahayd doorasho nabadgelyo ku dhacda.

Wasiir Qarjab ayaa ugu baaqay musharixiinta iyo shacabka intaba inay dowladda gacan kusiiyaan sidii doorashadu aysan u noqon lahayn mid cadawga Puntland ka faa’iidaysto isla markaana aysan ugu soo dhex dhuuman kooxaha qas wadayaasha ah.

HALKAAN RIIX SI AAD U DAAWATO SHIRKA

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Leave a Reply

Submit Comment

%d bloggers like this: