Tuesday 16 October, 2018

WAR DEG DEG AH-Maxaa Hadda Ka Socda Furimaha Dagaalka Tukaraq Kadib Dagaalkii Xalay.

Xiisad dagaal ayaa saaka ,laga dareemayaa furimaha dagaalka Tukaraq ee gobolka Sool kadib dagaal khasaare geystey oo fiidnimadii xalay halkaasi ku dhexmaray ciidamada Puntland iyo kuwa maamulka Soomaaliland.

Saraakiil ku sugan furimaha dagaalka ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamo katirsan kuwa difaaca ee Puntland ay galeen saldhig ay duleedka Tukaraq ku leeyihiin ciidaamda Somaliland kadibna ay gaarsiiyeen khasaare isugu jira dhimashoiyo dhaawac.

Wasiirka amniga Puntland ayaa suxufi Garoowe ku sugan u xaqiijiyey in dagaalkaasi uu dhacay isla markaana Puntland ay xogtiisa gadaal ka bixin doonto, walow gudoomiyaha gobolka Sool ee Somaliland uu xaqiijiyey in dagaalku ahaa mid gaadmo ah oo saldhiggooda lagu qaaday.

Dhina kalena warar hoose ayaa sheegaya in weerarka ay ka dambeeyeen malayshiya beeleed ka soo jeeda gobolada Sool iyo Cayn isla markaana si iskood ah isku abaabulay doonayana inay ka qayb qaataan dagaalka ka dhanka ah Somaliland.

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Leave a Reply

Submit Comment

%d bloggers like this: