Tuesday 16 October, 2018

DAAWO-Ciidamada Puntland iyo Somaliland oo Saldhigyada Isugu Galay iyo Meydad La Soo Bandhigay.

Xiisad u dhexaysa maamulada Puntland iyo Somaliland ayaa weli  ka aloosan deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool  kadib dagaal kooban oo halkaasi ku dhexmaray ciidanka labada dhinac uuna ka dhashay khasaare nafeed.

Maamulka Somaliland ayaa ku hanajabay inuu qaadayo dagaal uu kaga aarsanayo ciidamada Puntland kadib markii jab xoogani ka soo gaarey ciidankiisa dagaal fiidnimadii xalay ka dhacay duleedka deegaanka Tukaraq oo labada ciidan isku horfadhiyaan.

Wasiirka wasaaradda warfaafinta Somaliland Maxamed Muuse Abees oo warbaahinta kula hadlay gudaha magaalada Hargaysa ayaa warbaahinta u soo bandhigay khasaaraha ka soo gaarey dagaalkii xalay ka dahcay deegaanka Tukaraq oo uu ku sheegay mid gaadmo ahaa.

HALKAAN RIIX SI AAD U DAAWATO MUUQAALKA

Taliyaha guud ee ciidamada kaydka Puntland Corneal Cumar Cabdullaahi Faraweyne ayaa soo bandhigay khasaaraha ciidanka Puntland ay gaarsiiyeen ciidamo katirsan kuwa maamulka Soomaaliland.

Corneal Cumar Faraweyne ayaa goobta ku sheegay in ciidamo katirsan Somaliland ay qorshanayeen weerar ay ku qaadaan Puntland kadibna sahanka Puntland uu ka warhelay kahor inta aan howlgal xeeladaysan lagu burburin ciidankaasi.

HALKAAN RIIX SI AAD U DAAWATO MUUQAALKA

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Leave a Reply

Submit Comment

%d bloggers like this: