Tuesday 16 October, 2018

DAAWO-Somaliland oo Shacabka Garoowe Ugu Baaqday Inay 2 Beri Magaalada Ka Qaxaan Haddii Kale ay Gubayso.

Deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa waxaa habeen hore ka dhacay dagaal u dhexeeya ciidaamda Puntland iyo kuwa maamulka Somaliland, waxaana dagaalkaasi ciidanka Somaliland ka soo gaarey khasaare isugu jira dhimasho, dhaawac iyo gaadiid laga gubey.

Haddaba khasaarahaasi waxaa ka xanaaqay maamulka Somaliland oo sheegay inay Puntland sida ugu dhaqsaha badan uga aarsan doonaan isla markaana ay tallaabo dagaal qaadi doonaan.

Barlamaanka Somaliland ayaa sheegay in Somaliland aysan dulqaadan doonin ayna qaadayaan dagaal culus oo ay ku qabsanayaan magaalada Garoowe, waxaana barlamaanka Somaliland ugu baaqay shacabka Garoowe inay magaalada isaga qaxaan.

HALKAAN RIIX SI AAD U DAAWATO BARLAMAANKA

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Leave a Reply

Submit Comment

%d bloggers like this: