Tuesday 16 October, 2018

XOG-Ciidanka Ammaanka Puntland oo Qabtay 6 Ruux oo Gacan Saar Laleh Daacishta iyo Dadka Deegaanka oo Ka Caawiyey.

Wararkii ugu dambeeyey ee aanu ka helayno magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegaya in ciidamada Puntland ay gacanta ku dhigeen 6 ruux oo lagu tuhunsan yahay inay gacan saar laleeyihiin malayshiyaadka Daacish.

Kooxdaan ayaa waxaa la sheegay inay gacanta ku dhigeen ciidamada ammaanka Puntland oo gacan ka helaya dadka kunool degmada Balli-dhidin,  oo muddooyinkii ugu dambeeyey ay ciidamada ammaanku baaritaano ka wadeen maadaama ay buuraleeyda ku dhow ku dhuumaalaysanayaan Daacish.

Dadkan la tuhunsan yahay ayaa ah kuwa aan kasoo jeedin deegaanka, waxayna u muuqdeen safar aan kala garaneyn deegaanada, sidaas oo ay uga shakiyeen dad shacab ah, ka dibna ay ula wadaageen xogtooda ciidamada Puntland ee kusugan deegaanadaas.

Daacish ayaa ku jira buuraleyda Caal-Barri, waxayna gudaha Boosaaso dhawaan ka geysteen dilal qorsheysan oo ay ku beegsanayeen shacabka,Saraakiisha iyo dadka ganacsatada ah, taas oo walaac ku abuurtay shacabka magaalada oo horey ay dilalkan oo kale ugu geysanayeen kooxda Al- Shabaab.

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Leave a Reply

Submit Comment

%d bloggers like this: