Tuesday 16 October, 2018

BREAKING NEWS-Isimada Dhulbahante oo Ku Biiray Dagaalka Sool iyo Muuse Biixi oo Loo Qabtay 48 Saac.

Xilli ay cirka isku sii shareerayso xiisadda u dhexaysa Puntland iyo Somaliland ayaa waxaa markaan dagaalka ku biiray isimadii ugu waaweynaa gobolka Sool oo saacado kooban u qabtay maamulka Muuse Biixi inuu ciidankiisa dhaqso ugala boxo gobolka Soo.

Garaad Cabdullaahi Garaad Maxamuud Garaad Dacar ayaa ugu baaqay madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi in ciidamadiisa uu kala baxo deegaanada ay kaga sugan yihiin Puntland muddo 48 Sacaadood ah.

Dhinaca kalena Garaad Dacar ayaa waxa ku tilmaamay nasiib daro in shacabka labada dhinac colaad la kala dhex dhigo maadaama shacabku aysan marnaba kala maarmin.

Garaad Dacar ayaa sheegay in maamulka Somaliland uu hurinayo colaad hor leh, waxaana uu sheegay in nabad ay dhex mari karto Somaliland iyo Puntland marka ay ciidamada Somaliland dib ugu noqdaan deegaanadoodii.

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Leave a Reply

Submit Comment

%d bloggers like this: