Tuesday 16 October, 2018

DAAWO-Somaliland oo Ku Dhawaaqday In Wadahadalii Tukaraq Burbureen iyo Puntland oo U Jawaabtey.

Ciidamada Puntland iyo Somaliland ee ku sugan furimaha dagaalka deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa qarka  u saaran inuu ka dhex qarxo dagaalkii ugu cuslaa xilli saacadihii ugu dambeeyey hanjabaadda labada dhinac ay gaartey meeshii ugu saraysay.

Maamulka Somaliland uu taabtay khasaaraha dagaalkii ugu dambeeyey ayaa ku hanjabay inay qaadayaan dagaal ay kaga aargoosanayaan Puntland, waxaana ay sheegtay inay burbureen dhammaan wada xaajoodyadii u dhexeeyey labada dhinac.

Barlamaanka Somaliland ayaa sheegay in Somaliland aysan dulqaadan doonin ayna qaadayaan dagaal culus oo ay ku qabsanayaan magaalada Garoowe, waxaana barlamaanka Somaliland ugu baaqay shacabka Garoowe inay magaalada isaga qaxaan.

HALKAAN RIIX SI AAD U DAAWATO BARLAMAANKA

Kadib markii maanta ay ku hanjabeen xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Somaliland in laga qixi doono magaalada Garoowe ee caasimada Puntland isla markaasna ay qabsan doonaan ciidamada maamulka Somaliland ayaa waxaa arimahaasi ka ka hadlay xilhdibaan Cali Jaamac Faarax (Cali Dhaga Cadde) oo kamid ah xildhibaanada Barlamaanka Puntland.

DHEGAYSO

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Leave a Reply

Submit Comment

%d bloggers like this: