Tuesday 16 October, 2018

Shir Looga Hadlayey Dastuurka Soomaaliya oo Saaka Garoowe Lagu Soo Xirayo.

Magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland ayaa waxaa saaka lagu soo afmeerayaa shirkii looga hadlayey arrimaha dastuurka oo muddo dhowr beri ah halkaasi uga socdey gudiyada dastuurka ee barlamaanada Soomaalida.

Shirkaan oo ay ka qaybgelayeen gudiyada dastuurka ee barlamaanka Soomaaliya, barlamaanada dowladaha xubnaha ka ah dowladda federalka ah ee Somaaliya iyo gudiga madaxa banaan ee dibu eegista dastuurka ayaa looga arrin sanayey turxaan bixinta 5 cutub oo dastuurka kamid ah.

Maanta oo khamiis ah ayaa lagu wadaa in magaalada Garoowe lagu soo gaba gabeeyo shirkaasi lagana soo saaro nuxurka waxyaabihii laysla meel dhigay, waxaana intaasi kadib dib loogu celin doonaa barlamaanada maamul goboleedyada oo dood ka yeelan doona.

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Leave a Reply

Submit Comment

%d bloggers like this: