Tuesday 16 October, 2018

War Deg Deg ah oo Hadda Naga Soo Gaarey Furimaha Dagaalka Tukaraq iyo Ciidamo Hubaysan oo Saaka..

Wararkii ugu dambeeyey ee warbaahinta Puntlandnews.net ay saaka ka helayso deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa sheegaya in halkaasi saaka laga dareemayo dhaqdhaqaaq ciidan iyo diyaar garaw dagaal oo ay samaynayaan ciidamada ku sugan halkaasi.

Ciidanka maamulka Somaliland iyo kuwa Puntland oo ku gaashaaman gaadiidka dagaalka ayaa waxaa lagu arkayaa furimaha dagaalka, waxaana laga cabsi qabaa dagaal markale dhex mara labada ciidan oo muddo halkaasi kuwada sugan.

Goob jooge ku sugan Tukaraq oo aan xiriir la samaynay ayaa Puntlandnews u xaqiijiyey inuu arkayey ciidamada oo ku gaashaaman gaadiidka isla markaana gaaf wareegaya goobaha ay fariisimada ku leeyihiin iyo aagag horleh oo ay ku durkeen.

Maamulka Somaliland oo aad uga carooday howlgalkii ciidamada Puntland fashiliyeen oo labo habeen kahor ka dhacay Tukaraq khasaaraha xooganna lagu gaarsiiyey ayaa sheegay inuu y aar gudi doono ciidaamdii kaga dhintay dagaalkaasi.

PUNTLANDNEWS.NET

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Leave a Reply

Submit Comment

%d bloggers like this: