Tuesday 16 October, 2018

VIDEO-Loolanka Doorashada Puntland oo Saameeyey Magaalooyin Somaliland Maamusho & Masuuliyiin Pland oo Gaarey.

Puntlandnews.net (LC)-Wararkii ugu dambeeyey ee aanu ka helayno magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa sheegaya in halkaasi laga dareemayo dhaqdhaqaaqii ugu cuslaa ee ku aadan doorashada madaxtinimada Puntland ee 2019.

Dhaqdhaqaaq ku aadan doorashada madaxtinimada Puntland iyo soo xulista xildhibaanada barlamaanka Puntland ayaa laga dareemayaa gudaha magaalada iyadoona ay ku sugan yihiin musharixiin iyo duubab dhaqan oo tiro badan.

Gudaha magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa waxaa gaarey dhalinyaro badan oo u sharaxan xilka kuraasta barlamaanka Puntland oo tiro xildhibaano ah ay ka soo galaan gobolka Sool, waxaana u jeedkoodu yahay inay saxiix ka helaan isimada gobolka.

Inkastoo aysan Puntland gacanta ku hayn magaalada Laascaanood haddana waxaan qarsoonayn in beelaha degan gudaha iyo deegaamada magaalada hoosyimaada ay xubno sar sare ku leeyihiin xukuumadda Puntland iyo golayaasha kale ee dowladda.

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Leave a Reply

Submit Comment

%d bloggers like this: