Tuesday 16 October, 2018

Xog :- Dagaalkii Ugu Adkaa Ee Ka Dhex Qarxa Somaliland, Sedex Jabhadood Oo Hubkooda Diyaarsaday, & Xiliga Dagaalka Oo La Qorsheeyay.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee waddani Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa gaadhay magaalada london ee caasimadda ingiriiska todobaadkii hore, waxaana uu ahaa ujeedka safarkiisu sidii uu xal miro dhala uu uga dhex dhelin lahaa xisbiga waddani oo bilihii u dambeeyay u kala jabaxay saddex qeybood ama saddex group.
1- Kooxda koobaad waxaa hogaaminaya siyaasi ina buubaa oo hor kacaya qeybta somaliweyn
2- kooxda labaad ayaa iyaguna ah koox rabta sidii beelaha habar jeclo iyo beelaha habar yoonis ay iskugu soo dhaweyn lahaayeen, kuwaas oo ah kuwo raba inuu xisbiga waddani sii jiro islamarkaana uu ahaado xisbi umaddu u wada dhan tahay kana talinaya ayaaha mustaqbal ee xisbiga waddani.
3-kooxda saddexaad ayaa iyaguna ah kuwa beelaha habar jeclo neceb islamarkaana ah nimankii shirka gacan libaax afduubay ee ka dhaariyey beelaha jeegaanta ee ay siyaasaddu mideysay.
Wararku waxay sheegayaan ilaa hadda inaan xal waaraa laga dhaagin ,in kastoo maanta uu guddoomiye cirro shir ku qabanayo gudaha magaalada london ee caasimadda ingiriiska islamarkaana ilo-wareedyo shirka qaban-qaabinaya ay ka heshay Karin News xogtan waxaase muuqata in xaaladdu tahay mid adag oo aan la isku marin karin islamarkaana kooxahan saddexda ahi marnaba ku heshiin karin xal waara.
Dhinaca kale waxaa kooxahan barbar socda kooxo kale oo taageersan jabhadda maleeshiyada ah ee uu hogaaminayo koreyl caare.

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Leave a Reply

Submit Comment

%d bloggers like this: