DAAWO-Malayshiya Beeleed Ka Baxay Deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool & Puntland oo Ka Hadashay.

Puntlandnews.net (Tukaraq)-Wararkii ugu dambeeyey ee aanu ka helayno deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa sheegaya in halkaasi xalay ilaa habeen hore ay ka bexeen malayshiyaad aad u hubaysan oo ka garab dagaalameyey ciidamada maamulka Somaliland.

Malayshiyaadkaani oo ah kuwa ka soo jeeda gobolka Sool ayaa la sheegay inay galeen deegaanka Dhummay oo ay ku dagaalamayaan beelo oodwadaag ah oo wada degan halkaasi, waxaana arrintaasi lagu eedeeyey masuuliyiin katirsan Somaliland.

RIIX HALKAAN SI AAD U DAAWATO MUUQAALKA

Taliyaha ciidamada kaydka Puntland General Cumar Faraweyne oo shalay warbaahinta kula haday magaalada Garoowe ayaa sheegay in hub ay ku dagaalamayaan malayshiyaadka ku sugan Dhummay laga raray talisyada ciidamada Somaliland ee gobolka Sool.

RIIX HALKAAN SI AAD U DAAWATO MUUQAALKA

Post Comment