DAAWO-Qaar Kamid ah Meydka Jamal Khashoggi oo Laga Helay Guriga Safiirkii Sucuudiga ee Istanbul.

Qaybo kamid ah meydka weriyihii caanka ahaa ee Jama Khashoggi ayaa la helay Gurigii-Safiirka Istanbul u fadhiyey wadanka Sucuudiga oo ku dhexyaal beerta Qusulka Saudiga.

Warkan oo lagu baahiyay Telefishanka Sky ayaa sheegaya in maydka wariyahaas oo in badan lagu raacdadiisa lagu jiray ugu danbayn qayb ka mid ah laga helay beerta guriga qusulka.

Maydka wariyaha ayaa markii la dilay waxa loo jarjaray qurub qurub si aanay markaasi cidiba u arag.

Dawladda Sacuudiga ayaa markii hore dafirtay in ay dishay wariyahaasi, hasayeeshee markii danbe waxa ay qirteen in uu dhintay ka dib markii uu dagaal ku dhex maray koox kale isla qusuliyadda.

Post Comment