DAAWO-Somaliland oo Ku Jeesjeestay Dagaalka Bah-ararsame iyo Qayaad Kuna Dhawaaqday Inay Tukaraq Ka Bilaabayso.

Maamulka Somaliland ee uu hogaamiyo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa muujiyey inuu ku qanacsan yahay uusannna kala jeclayn dhiiga daadanaya ee colaadda beelaha Bah-ararsame iyo Qayaad oo isku horfadhiya deegaanka Dhummay.

HALKAAN RIIX SI AAD U DAAWATO MUUQAALKA

Maamulka Somaliland ayaa markaan si jees jees ah uga hadlay dagaalka deegaanka Dhummay marka loo fiiriyo dedaalkii uu ku bixin jirey colaaddi bilowgii sanadkaan ka dhacday deegaanka Ceel-afweyn hoosyimaada magaalada Ceerigaabo.

HALKAAN RIIX SI AAD U DAAWATO MUUQAALKA

Xaaladda deegaanka Dhummay ayaa ah mid marwalba laga cabsi qabo dagaal ka qarxa waxaana maanta maamulka Somaliland uu diidey kana horyimid diyaarad sidey gurmad dawo ah oo loogu talagalay dadkii ku dhaawacmay dagaalkii deegaanka Dhummay ka dhacay.

Post Comment