DAAWO-Wasiir Katirsan Somaliland oo Ka Dambeeya Dagaalka Dhummay iyo Somaliland oo Cadaysay in Ciidamo Ka Mushahar Qaata Lakala Safteen Beelaha.

Puntlandnews.net (Laascaanood)-Deegaanka Dhummay ee gobolka Sool ayaa waxaa ka aloosan xiisad u dhexaysa malayshiyaad ka kala tirsan beelaha oodwadaagta ah ee Bah-ararsame iyo Qayaad oo labaduba katirsan beelweynta Dhulbahante.

Dagaalkaasi waxa uu sababay dhimashadii ugu badnayd ee abid labada dhinac soo kala gaadha muddo labo maalmood ah, waxaana la caddeeeyey inuu ku lug leeyahay kana dambeeyo mid kamid ah golaha wasiirada maamulka Somaliland.

HALKAAN RIIX SI AAD U DAAWATO CADDAYNTA

Dhinaca kalena, gudoomiyaha gobolka Sool ee Somaliland ayaa caddeeyey in ciidamo mushahar ka qaata maamulka Somaliland ay qayb kayihiin dagaalka Dhummay, wuxuuna caddeeyey inay xakamayn waayeen ayna la kala safteen labada beelood.

HALKAAN RIIX SI AAD U DAAWATO MUUQAALKA

Post Comment