DEG DEG-Warfidiyeenka Garoowe oo Loo Yeeray iyo Shirkii Madasha Maamul Goboleedyada oo Xirmaya.

Puntlandnews.net (Garoowe)-Warbaahinta ka howlgasha magaalada Garoowe ee xarunta dowladda Puntland ayaa goor dhoweyd looga yeeray xarunta uu ka socdo shirka madasha dowladaha xubnaha ka ah dowladda federalka ah ee Soomaaliya.

Shirka oo socdey muddo 4 maalmood ah isla markaana ay ka qaybgelayeen madaxweynayaasha Puntland, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland ayaa waxaa lafilayaa in saaka lagu soo afmeero magaalada Garoowe ee xarunta Puntland.

Mudadii uu socdey shirku waxaa diiradda lagu saarayey arrimaha siyaasadeed ee Soomaaliya, ammaanka, dhaqaalaha doorashada dalka ee 2020, khilaafka madaxda federalka iyo maamul goboleedyada iyo qodobo kale oo muhiim ah.

Post Comment