DHEGAYSO-Wararkii Ugu Dambeeyey ee Dagaalka Dhummay iyo Goob Jooge Ka Warbixinaya.

Puntlandnews.net (DHUMMAY)-Warar dheeraad ah ayaa maanta naga soo gaaraya deegaanka Dhummay ee koonfurta gobolka Sool oo ay labadii maalmood ee ugu dambeeyey ku dagaalamayeen beelo walaala ah oo wada degan gobolkaasi.

Mid kamid ah dadka deegaanka oo maanta oo ah maalintii saddexaad la hadlay warbaahinta ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyey xaaladihii ugu dambeeyey ee deegaanku uu maanta ku sugan yahay, jawiga goobaha malayshiyaadku ku sugan yihiin iyo arrimo kale.

HALKAAN RIIX SI AAD U DHEGAYSATO CODKA

Xaaladda deegaanka Dhummay ayaa ah mid marwalba laga cabsi qabo dagaal ka qarxa waxaana maanta maamulka Somaliland uu diidey kana horyimid diyaarad sidey gurmad dawo ah oo loogu talagalay dadkii ku dhaawacmay dagaalkii deegaanka Dhummay ka dhacay.

HALKAAN RIIX SI AAD U DHEGAYSATO CODKA

Post Comment