Liverpool Oo Qorsheyneysa In Ay Hishiis Cusub Ku Abaal Mariyaan Joe Gomez .

Tababare Klopp ayaa ka hadlay suura galnimada ah in hishiis cusub ay ka saxiixdaan da`yarkooda Joe Gomez .

Arintaan ayaa imaaneysa xilli la xusayo in Liverpool ay wadahadallo la fureen 21 sano jirkaas reer Ingiriis.

Kulan wareedka ka horeeya kulanka Cardiff City ee berito ayuu Klopp ka yiri ” Joe Gomez muhiim ayuu u yahay kooxda ,waxaan xasuustaa markii aan kooxda u imid in la igu wargiliyay sida Joe Gomez uu muhiim ugu yahay kooxda”.

” Waa xiddig leh kalsooni ,dhab ahaantii waxa uu Joe Gomez leeyahay mustaqbal fog” ayuu sii raaciyay macalin Klopp.

Gomez ayaa hishiiskiisa ugu dambeeyay Liveprool waxa uu saxiixay January sanadkii hore balse Klopp oo la dhacsan hormarka uu sameynayo laacibka ayaa doonaya in loo kordhiyo qandaraaska.

Laacibka ayaa illaa haatan Liverpool waxa uu u saftay 53 kulan tan iyo markii uu kooxdaas u yimid xagaagii 2015-ka xilligaas oo 3.5 milyan oo gini uga soo wareegay Charlton Athletic

Post Comment