Safaaradaha Mareykanka Iyo Ingiriiska Ee Adis Ababa Oo Isu Soo Dhaweynaya Saxaafadda Iyo DowladaItoobiya

Safaaradaha Britain iyo Mareykanka ee ku yaala magaalada Addis ee xarunta Itoobiya ayaa bilaabay mashruuc sare loogu qaadayo xiriirka u dhaxeeya saxaafada iyo doowlada itoobiya.

Mashruucaan oo socon doona ilaa dabayaaqada bisha na soo kulaaleysa ee November ayaa u jeedkiisu yahay tayeenta saxaafada itoobiya si ay uga qeyb qaadato isbadalka siyaasadeed iyo wanaajinta xiriirka doowlada iyo suxufiyiinta oo bidhaanta ku kala carari jiray.

Meelaha mashruucan laga fulin doono ayaa waxaa ka mid ah magaalada Jigjiga ee xarunta u ah gobalka soomaalida.

Itoobiya waxa ay ka mid tahay meelaha ugu liita dunida marka ay timaado xornimada saxaafada balse tan iyo markii uu xafiiska yimi Abiy Ahmed waxoogaa furfurnaasho ayaa bilaabatay.

Post Comment