Sawirro-Taliyaha Cusub ee Ciidamada Qalabka Sida oo Gaarey Jiidaha Hore Kuna Dhawaaqay Dagaal.

Puntlandnews.net (Nairobi)-Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya socdaal dhulka ah oo taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida Sarreeye Gaas Daahir Aadan Cilmi Indha-qarshe iyo Abaanduullaha Ciidanka Difaaca S/guuto Odowaa Yuusuf Raagge oo ay wehliyaan Saraakiil kale ayaa maanta kormeeray xarumaha Ciidanka Xoogga ay ku leeyihiin deegaanka Bangala ee degmada Deyniile ee G/Banaadir.

Xarumaha Masuuliyiintaasi ay Booqdeen ayaa ku burburay dagaaladii Sokeeye ee ka dhacay gudaha dalka Soomaaliya, waxaana Taliska Ciidanka Xoogga uu qorsheynayaan in Xarumahaasi dib u dhis lagu sameeyo.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Sarreeye Gaas Daahir Aadan Cilmi ayaa sheegay in Taliska Ciidanka Xoogga uu hadda ku howlan yahay dhismaha Ciidanka iyo Xarumahooda burburay, si shaqada loo dardar-geliyo.

Sarreeya Gaas Indha-qarshe ayaa waxaa uu sidoo kale sheegay in dhammaan xarumaha Ciidanka Difaaca ee ku bur buray dagaladii Sokeeye dib u dayactir ballaaran dhawaan lagu sameyn doono.

Sawirro

Post Comment