VIDEO-Fariisimadii Ugu Muhiimsanaa ee Ciidanka Somaliland oo Habeenimo Lala Wareegey iyo Weerar Ka Dhacay Furimaah.

Puntlandnews.net (Garoowe)-Ciidamada Jabhadda Caarre ayaa xilli habeenimo ah gudaha u galay saldhigyo ay ciidamada maamulka Somaliland ku lahaayeen duleedka magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag.

Corneal Caarre oo warbaahinta kula hadlay gudaha xerada ciidamadiisa ayaa sheegay in dagaalkaasi laga gaarey hadafkii laga lahaa isla markaana ay sida ugu dhaqsaha badan gacanta ugu soo dhigi doonaan deegaamada ka maqan gacantooda.

HALKAAN RIIX SI AAD U DAAWATO MUUQAALKA

Corneal Caarre ayaa sheegay in dhulkaasi dadkii lahaa ay qabsan doonaan dhowaan isla markaana aysan gacanta ku sii hayan doonin ciidamada ka amar qaata maamulka Soomaaliland.

HALKAAN RIIX SI AAD U DAAWATO MUUQAALKA

Gudoomiyaha gobolka Sanaag ee maamulka Somaliland oo warbaahinta kula hadlay gudaga magaalada Ceerigaabo ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada Caarre ay weerar kala kulmeen dagaalyahano katirsan jabhada Corneal Caarre hogaamiyo.

HALKAAN RIIX SI AAD U DAAWATO MUUQAALKA

Post Comment