WAR DEG DEG AH-Furitaanka Kal-fadhigii Barlamaanka Puntland oo Saaka Baaqday & Sababta.

Puntlandnews.net (Garoowe)-War deg deg ah oo hadda naga soo gaarey magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland ayaa sheegaya inuu baaqday kal-fadhigii barlamaanka Puntland oo maanta oo Khamiis ah loo balansanaa furitaankiisa.

Kalafadhiga ayaa qorshuhu ahaa in uu soo xirmo 31 bishan oo sida Dastuurka Puntland uu qabo la kala dirayo Xildhibaanada Golaha Wakiilada Dowladda Puntland, Iyadoona 6 Maalmood ee uu socdo la filayay inay Xildhibaanadu ansixiyaan Miisaaniyadda Bilaha kala guurka.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas, ayaa sida uu qabo Dastuurku la filayay inuu furo Kalafadhiga, waxaase wararku sheegayaan inuu ku mashquulsan yahay xiritaanka shirka madaxsha dowladaha xubnaha ka ah dowladda Soomaaliya.

Majiraan warar madax banaan oo caddaynaya sababta rasmiga ah ee kal-fadhigu dib ugu dhacay waxaase wararka qaar sheegayaan inuu jiro khilaaf soo kala dhexgalay mudanayaasha barlamaanka oo ku kala qaybsamay kordhinta tirada barlamaanka.

Post Comment