BREAKING NEWS-Xiisad Dagaal oo Ka Taagan Gobolka Sanaag & Ciidamo Ku Qulqulaya Xilli Dhimashadu Marayso..

Puntlandnews.net (Ceerigaabo)-Wararkii ugu dambeeyey ee ku soo dhacaya warqabadka warbaahinta Puntlandnews ee magaalada Hargaysa ayaa sheegaya in xiisad culus ay ka aloosan tahay gobolka Sanaag ayna gaareen ciidamo aad u hubaysan.

Xiisadda ayaa sida la sheegay qaraxday kadib markii xalay koox hubaysan oo hab beeleed u abaabulan ay degaankaasi ku dileen nin u dhashay mid kamid ah labadaasi beelood. Wararku waxay intaas ku darayaan in kooxdii dilka gaysatay aan weli gacanta lagu soo dhigin,balse ehelada ninka la dilay ayaa diiday in la aaso ilaa laga soo qabto kooxdii dishay.

Deegaanka waxaa sidoo kale waxaa hub urursi iyo diyaar garaw dagaal ka bilaabay malayshiyaad ka soo jeeda beesha wax laga diley, waxaana ay ku hanjabeen in ay dagaal ridayaan haddii aan la soo qaban kooxdii dilka gaysatay,

Weriye ku sugan deegaanka Dararweyne ayaa u xaqiijiyey warbaahinta in xiisaddaani ay ku salaysan tahay aano qabiil, isla markaana laga cabsi qabo inuu markale qarxo dagaalkii labada beelood ay horay uga wada heshiiyeen.

Post Comment