COD SIR AH-Wasiiradii Isaaq oo u Hanjabaya Beesha Dhulbahante & Hagardaamadii oo Sababtay Kala Tag Sokeeye.

Puntlandnews.net (Laascaanood)-Maamulka Somaliland ee uu xilligaan majaraha u hayo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool iyo deegaamo kale oo katirsan gobolkaasi gacanta kuhaya muddo ka badan 11 sano.

Dagaalkii ugu dambeeyey Somaliland waxa ay ku qabsatay deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool oo ay hadda isku horfadhiyaan ciidamada Puntland iyo kuwa Somaliland isla markaana tiro dhowr jeer ah waxaa ka dhacay dagaalo kharaar oo ciidamo badan ay ku dhinteen kuwa kalena ku dhaawacmeen.

Mudadaasi 11-ka sano ah ee maamulka Somaliland uu gacanta ku hayey magaalada Laascaanood waxa uu ka shaqaynayey arrimo dhowr ah oo halakeeyey horumarka guud ee gobolka iyo midnimada beelaha Dhulbahante ee walaalaha ah deganna gobolka Sool.

Dhibaatooyinka ugu waaweyn ee dhacay mudadii ay Somaliland gacanta ku haysay magaalada Laascaanood iyo deegaamo kale oo katirsan gobolka Sool waxaa kamid ahaa dagaalo sokeeye oo dhexmaray beelo kawada tirsan beelweynta Dhulbahante oo ah cidda iska leh gobolka Sool.

Wasiirka arrimaha gudaha xilligaan Somaliland Maxamed Kaahin ayaa bilwogii sanadkaan cod sir ah oo uu u duubayey madax katirsan Somaliland ku sheegay in Somaliland ay burburisay ayna wiiqday awooddii beelaha Dhulbahante ayna adagtahay inay dib u midoobaan sida uu hadalka u dhigay.

Dagaalkii ugu xumaa ayaa dhexmaray beelaha Bah-ararsame iyo Qayaad waxaana dagaalkaasi ku dhintay ku dhowaad 70 ruux halka ku dhowaad 100 kalena ay iska dhaaweceen beelahaasi walaala ah, taasi oo ay jirto ayaa waxaa muuqata kaalinta Somaliland kadib markii wasiir Kaahin uu shaaciyey in ciidamada ka dagaalamaya Dhummay ay kujiraan askar mushahar ka qaadata Somaliland oo hubkoodii kula kala biiray beelohooda ayna xakamayn waayeen.

HALKAAN RIIX SI AAD U DAAWATO MUUQAAL

Post Comment