DAAWO-Somaliland oo Ku Dhawaaqday Inay Gacanta Ku Hayso Isimadii Puntland iyo Dhammaan Wafuud Sool Aaday.

Puntlandnews.net (Hargaysa)-Madaxweynaha maamulka Somaliland ee gooni goosiga ka ah guud ahaan Soomaaliya ayaa ka hadlay xaaladda gobolka Sool iyo dagaaladii ugu dambeeyey ee ka dhacay deegaamada Dhummay iyo Tukaraq.

Muuse Biixi Cabdi ayaa ku goodiyey in maamulkiisu gacanta ku hayo deegaanka Dhummay iyo guud ahaan gobolka Sool isla markaana aysan aqbali doonin in Puntland ama cidkale gacanta ku dhigto wada xaajoodka ka socda koonfurta Sool.

Madaxweynaha maamulka Soomaalidiidka ah ee Somaliland ayaa waxa uu tilmaamay inay gacanta ku hayaan ergooyin ka kooban isimo iyo waxgarad kayimid deegaamada Puntland iyo deegamo kale oo Soomaalidu degto.

HALKAAN RIIX SI AAD U DAAWATO MUUQAALKA

One thought on “DAAWO-Somaliland oo Ku Dhawaaqday Inay Gacanta Ku Hayso Isimadii Puntland iyo Dhammaan Wafuud Sool Aaday.

  1. Kkkkkkkkkk Soomaalidiid kulahaa dhabayaco budhcadbadeed iyo Soomaali biis ayaa Sooomaalinimo Cid ugu faanaya
    Kkkk adeer Soomaalinimada Somaliland ayaa abuurtay lixdankii hadana anagaa duminay markii aanu dantayada ka waynay Soo noqon mayso midnimadanbe Ciidanka Somaliland waxay fadhiyaan Meel garoowe u jirta 60km siilbaana reer garoowe ka jeexan

    Reply

Post Comment