Dadka Ku Geeriyooday Qaraxii Hotel Saxafi Oo Sii Kordhay Iyo Mulkilihii Hotelkaas Oo Ku Jira Dadka Dhintay

Wararka ka imaanaya Muqduisho ayaa sheegaya in tirada dhimashada ee qaraxii maanta ee qaraxii hotel saxafi ay sii korartay

Qaraxaas oo ka dhacay hotel saxafi oo ahaa mid ismiidaamin ah ayaa dhimashada waxa ay haatan gaareysaa illaa 30 qof .

Warka waxa uu intaas ku darayaa in dadka dhintay uu ku jiro milkiilahii hotelkaas ee Cabdifataah Cabdirashiid Ilqeyte

Dhanka kale al shabaab ayaa war ka soo baxay waxaa lagu sheegay in dagaalyahano katirsan kooxdooda qaraxyo xoogan oo ismiidaamin ah iyo weerar toos ah ku qaadeen Hotelka Saxafi ee magaalada Muqdisho.

Al Shabaab ayaa sheegtay in qarax koobaad lagu dhuftay Albaabka Hotelka Saxafi , waxa ayna Shabaab sheegeen in qarax labaad lala eegtay dad gudaha Hotelka ku jiray balse u cararay dhinaca dambe ee Hotelka.

 

Post Comment