DEG DEG-Ciidamadii Ku Sugnaa Tukaraq oo Heegan Lageliyey iyo Madaafiicda Goobta oo Banaanka La Keenay.

Puntlandnews.net (Garoowe)-Wararkii ugu dambeeyey ee warbaahinta Puntladnews ay xilligaan ka helayso magaalada Tukaraq ee gobolka Sool ayaa sheegaya in xiisad culus laga dareemayo deegaankaasi oo ay isku horfadhiyaan ciidamada Puntland iyo Somaliland.

Mid kamid ah ciidamada ku sugan furimaha dagaalka oo aan xiriir la samaynay ayaa u sheegay Puntlandnews in shalay ciidamada lageliyey heegan buuxa isla markaana aysan awoodin dhaqdhaqaaqyo ka baxsan dhufaysyada ay kujiraan.

Dhinaca Somaliland waxaa saacadihii ugu dambeeyey ay dib u soo howlgeliyeen taangiyada dagaalka iyo madaafiicda goobta waxaana laga dareemayey diyaar garawgii ugu cuslaa ee ay ugu jiraan dagaal ka dhaca deegaanka Tukaraq.

Taliyaha guud ee ciidamada difaaca Puntland oo gaarey jiidaha hore ee dagaalka ayaa u sheegay saraakiisha iyo dhammaan ciidamada inay u diyaar garoobaan dagaal ka dhan ah maamulka Somaliland isla markaana ay tallaabo qaadayaan maalmaha fooda nagu soo haya.

Post Comment