DEG DEG-Ciidamo Ka Soo Baxay Fariisimadoodii Jiidaha Hore oo Weerar Lagu Qaaday & Dhimashada 4 Askari.

Puntlandnews.net (Muqdisho)-Wararkii ugu dambeeyey ee ku soo dhacaya warbaahinta Puntlandnews ayaa faahfaahin ka bixinaya weerar culus oo lala beegsaday kolanyo ciidan ah oo ku sugnaa bartamaha magaalada Muqdisho, kana yimid xeryohooda.

Qaraxaan oo ahaa mid aad u xoogan ayaa ciidamo katirsan kuwa nabad ilaalinta midowga Africa ee AMISOM lagula beegsaday xaafadda SOS ee magaalada Muqdisho sida ay goob joogayaal warbaahinta u xaqiijiyeen.

Qaraxa oo ahaa Miino ayaa lala eegtay Ciidamo ka tirsan kuwo AMISOM,waxaana ka dhashay Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Ciidanka AMISOM ayaa la sheegay in Qaraxa ka dib ay fureen Xabado, waxaana la sheegay in ku dhawaad 4 qof ay ku dhinteen.

Post Comment