DEG DEG-Ciidanka Puntland oo Diyaar Garoobey iyo Taliyaha Guud oo Amarkiisii ugu Horeeyey Bixiyey.

Puntlandnews.net (Garoowe)-Wararkii ugu dambeeyey ee aanu caawa ka helayno magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland ayaa sheegaya in taliska guud ee ciidamada dowladda Puntland uu amar siiyey ciidanka ammaanka.

Talliska guud ee ciidamada Police-ka Puntland ayaa ciidamada amar ku siiyey inay qaadaan tallaabooyin dheeraad ah oo ay ku xaqiijinayaan ammaanka guud ee Puntland gaar ahaan magaalooyinka waaweyn xilli Puntland looga diyaar garoobayo doorashada madaxtinimada.

Taliyaha ciidanka booliska Puntland Sarreeye guuto Muxuyadiin Axmed Muuse oo kulamo lalaha maalmihi ugu dmabeeyey saraakiisha kala duwan ee ciidamada ammaanka ayaa ku amray inay laba jibaaraan howlgalada ciidanku wadaan lana adkeeyo ammaanka iyo wadajirka Puntland.

Ciidamada ayaa howlgallada ugu xoogan kawada magaalooyinka Garoowe, Boosaas iyo Galkacyo waxaana jira deegaamo dhanka xuduudaha kuyaala oo laamaha ammaanka iyo sirdoonka Puntland ay il gaar ah kuhayaan.

Madaxweynaha dowladda Puntladn Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa dhowaan isbedel ballaaran ku sameeyey talisyada ciidamada, wuxuuna saraakiil cusub u magacaabay ciidanka Daraawiishta iyo kuwa booliska Puntland.

Post Comment