DEG DEG-Ciidankii ugu Badnaa ee Itoobiya oo Jiidaha Dagaalka Gobolka Sool Si Nabad Looga Dhaliyo Xilli Puntland iyo Somaliland.

Puntlandnews.net (DHUMMAY)-Wararkii ugu dambeeyey ee aanu helayno ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan dowlada Itoobiya ayaa la keenay magaalooyinka Saaxdheer iyo Dhumey oo ka tirsan Koofurta Gobalka Sool oo ay dhawaan ku dagaalameen labo beeleed oo wada dega deegaanadaasi.

Ciidamadaan oo ku gaashaaman gaadiidka dagaalka noocyadiisa kala duwan ayaa waxaa wararku sheegayaan in la geeyay deegaamadii dhowaan ay ku dagaalameen malayshiyaadka beelaha Bah-ararsame iyo Qayaad.

Maamulada Puntland iyo Soomaaliland oo weli kama hadlin ciidamada itoobiya ee tagay Deegaanada ka tirsan Koofurta Gobalka Sool, waana markii ugu horaysay ee ciidamo ka socda Itoobiya nabad ilaalin loo keeno gobolka Sool.

Ku Dhowaad 60 ruux ayaa ku dhintay ku dhowaad boqol kalena waa ku dhaawacmeen dagaal beeleedkii dhowaan ka dhacay deegaanka Dhummay, waxaana xilligaan ku sugan isimadii ugu badnaa ee ka socda dhulka Soomaalida.

Post Comment