DEG DEG-Xaaladda oo Cakiran iyo Ciidankii ku Sugnaa Furimaha oo Caasimadda Isku Xabadeedyey.

Puntlandnews.net (Garoowe)-Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxa ay kasoo baxayaan Iska horimaad xalay ka dhacay degmada Hilwaa ee gobolka Banaadir ka dib Saldhig Ciidanka dowladda ay ku leeyihiin Xaafada Shaleemo Cabdiwaayeel ay weerar ku qaadeen Koox hubeysan.

Kooxda Hubeysan iyo Ciidanka Booliska ee halkaasi ka howlgalla ayaa waxaa dhexmaray Iska horimaad xooggan sidda ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah dadka degaanka. Ilaa iyo hadda lama xaqiijin karo Khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weerarkaasi,waxaana lagu waddaa maanta in ay faahfaahin ka bixiyaan Saraakiisha Ciidanka Booliska.

Dableyda weerarka soo qaaday ayaa la aaminsan yahay in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab oo inta badan looga bartay in ay weeraraan goobaha ay ku sugan yihiin Ciidanka dowladda.

Dhanka kale waxaa qarax lala eegtay Ciidamo u gurmaday Ciidanka dagaalku qabsaday, waxaana la sheegay in Qaraxaasi uu ku dhaawacmay sarkaal ka tirsan Ciidanka booliska.

Post Comment