DEG DEG+AKHRISO-Qodobo Ka Soo Baxay Gudigii Dhex Dhexaadinta Bah-ararsame iyo Qayaad.

Puntlandnews.net (Laascaanood)-Kadib Markii 14 isin oo uu hogaaminayey Garaad Kulmiye Garaad Maxamed Garaad Dool Garaad Wiil Waal isla markaana uu soo direy madaxwaynaha Dowlad deegaanka Soomaalida iyo Isimo kale oo iyana kala yimid Garoowe , Laascaanood , Buuhoodle iyo Isimo maanta ka yimid gobolka Mudug (Gaalkacyo).

Iismadaan ayaa waxa ay ku guulaysteen in ay xabad Joojin dhex dhigaan labada Beelood ee Shaydaanku ka dhex shaqeeyey (Dhumey. Isimadan oo ay weheliyeen Culimo ka kala Socotey Laascaanood iyo Buuhoodle ayaa Waxaa ay howha maamulkeeda gacanta ku hayey Isimada Dowlada Deegaanka Soomaaluda oo uu hogaaminayo Garaad Kulmiye.

Waxaana ay kulamo la qaateen guurtida labada labada dhinac , Waxaana ugu danbaynt ay ku heshiiyeen :

1:In Xabad Joojin ah qaataan Shuruud la’aan.

2:In ay Ogolaadaan Nabad in ay qaataan .

3:In ay gogashu noqoto magaalada Jig Jiga .

5:in ay iska soo Xulaan labada dhinac min 21 Xubnood.

6:Inay ku soo diyar garoobaan mudo sadex maalmood.

Dhanka kalena, isimada nabadaynta ayaa waxa ay sheegeen in howshaasi lagu dhamaynayo magaalada Jig Jiga ,si waafaqan Shareecada Islaamka iyo Geeg hoostii Waxaana ay u direen Shacabka Soomaaliyeed , Dhamaan Maamulada kala duwan ee Somalia iyo dawlada federaalka

Post Comment