DEG DEG+DHAGEYSO; Maamulka Gobalka Oo Soo Saaray War Naxdin leh & In La Dilo Ruuxii..

Kadib kulan ay magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan iyo odayaasha dhaqanka mid kamid ah beelaha dega gudaha magaaladaas ay yeesheen ayaa waxa ay ku go’aamiyeen la toogto dadka Isbaarooyinka dhigta.

Qaar kamid ah waxgaradka oo kulankan ka hadlay ayaa waxa ay sheegeen in aysan raali ka noqon doonin in la dhibaateeyo dadka shacabka ah ee ku sugan gobolka Hiiraan isla markaasna ay raali ka yihiin in la toogto qofkii lagu arko isaga oo isbaaro dhiganaya.

Halkaan Ka Dhagayso Codka

Kulanka ayaa waxaa laga akhriyay wareegto kasoo baxday xafiiska guddoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf axmed Hagar(Dabageed), waxaana qodobadii kasoo baxay kulankaasi kamid ahaa in maamulka gobolka Hiiraan iyo odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan ay ku heshiiyeen in la toogto qofkii lagu arko isaga oo isbaaro dhiganaya.

In qofkii isaga oo Isbaaro jooga qof dila in ay masuul ka yihiin odayaasha dhaqanka Beesha uu ka dhashay qofka wax dilay iyo qodobo kale.

Halkaan Ka Dhagayso Codka

Post Comment